Allbanaadir.com
MUUQAALONEWS

Axmed Karaash oo Magacaabay guddi Wasiiro u badan oo ka kooban 7 xubnood (Ujeedada)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo maanta Shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada ayaa guddi heer wasiiro ah u magacaabay soo dhoweynta Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Deni uu door muhim ah ka qaatay in dalku ka gudbo marxladda kala guurka ah.

Guddiga ayaa ka kooban 7 xubnood oo kala ah:

1-Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha(Gudoomiye)

  1. Cabdullaahi Cali Xirsi
    Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta (Gudoomiye ku-xigeen)

 

  1. Aamina Cusmaan Xaaji Jaamac
    Wasiirka Waaradda Haweenka (Xubin)

 

  1. Ilyaas Cismaan Lugatoor
    Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada (Xubin)

 

  1. Cumar Xasan Fiqi,
    Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda (Xubin)

 

  1. Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan
    Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga (Xubin)

 

  1. Maxamed Cabdirashiid Cali
    Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada(Xubin)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo  muddo bil iyo 15 cisho ah ka maqan Puntland ayaa ka qeybgalay Kulan Madaxda DFS iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ay uga arrinsadeen ansixinta heshiiskii lagu go’aamiyey Doorashada Dalka oo la horgeynayo Baarlamaanka, isagoo ka dibna safaro ku kala bixiyey dalalka Kenya iyo Imaaraadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheeko Jaceyl: Dhimasho ayaan ka Xigaa in aan dib kusoo Jeclaado!!(Qeybta 3 aad)

Cabdi Cade

Todoba caruur ah iyo Macalinkooda oo lagu toogtay Magaalada Kazan (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Weerar lagu qaaday Hotelka Intercontinental ee kuyaala magaalada …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---