Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) DF oo ku adkeysatay qorshaha dhismaha Hirshabelle & Cali Guudlaawe oo..

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa dib ugu soo laabtay maanta magaalada Jowhar ka dib markii uu muddo todobaadyo ah ku sugnaa magaalada Muqdisho oo uu madaxda DF marti ugu ahaa.

Waxaa garoonka dayuuradaha Jowhar ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Hirshabelle Marwo Canab Axmed Ciise, wasiiro, xildhibaano iyo iyo qeybaha bulshada.

Guudlaawe ayaa ah musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Hirshabelle ee afarta sano ee soo socota isagoo la rumeysan yahay inuu dowladda dhexe taageero ka helayo, waxaana musharaxnimadiisa ay dood badan ka dhalisay degaanada Hirshabelle, maadaama kursiga uu u tartamayo awood qeybsi ahaan horey loogu siiyey beesha Xawaadle ee gobolka Hiiraan

DF ayaa ku adkeysanaysa in la qabanayo doorashada hogaanka Hirshabelle, xili weli ismaanshaaf uu ku taagan yahay tabashada beesha ugu weyn Gobolka Hiiraan, maalmaha soo socda ayaana lagu wadaa in guda-galo soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabelle.

Qorshaha Cali Guudlaawe Madaxweyne looga dhigayo ayaa waxaa gadaal ka riixaya DF oo sidoo kale dooneysa in beesha ugu weyn gobolka Hiiraan la siiyo Madaxweyne ku-xigeen, iyadoo wadata siyaasiyiin Guddoomiyeyaal ka soo noqday gobolka Hiiraan oo ay ka mid yihiin Yuusuf Dabageed iyo C/fitaax Xassan Afrax inkastoo beesha ay ka soo jeedaan aysan taageero ka heysan.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle ayaa sheegay markii uu ku laabtay Jowhar in la joogo waqtigii la dhisi lahaa Hirshabelle cusub uuna soo dhaweynayo Jadwalkii hanaanka doorasho ee Hirshabelle ay soo bandhigeen guddiga farsamadda iyo soo xulista Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

“Jadwalkii doorasho ee guddiga farsamadda waa mid sax ah waana lagu shaqeynayaa waana ku amaanayaa sida masuuliyada leh ay usoo diyaariyeen hanaanka doorashada Hirshabelle” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe

Waxuu sido kale Madaxweyne ku xigeenka amaan iyo bogaadin uu u jeediyay wassaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabelle oo uu sheegay iney si wanaagsan u diyaarinayso dhismaha Hirshabelle cusub.

Safarka maanta ee Cali Cabdullahi Cuseen Guudlaawe waxaa qeyb ka ahaa guddoomiyeyaashi hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo C/fataax Xasan Afrax kuwaas oo iyagana ka hadlay madashii lagu soo dhaweynayay madaxweyne ku xigeenka waxayna sheegeen in la joogo waqtigii la dhisi lahaa Hirshabelle cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada AMISOM oo isaga baxay degaan ay maalmo ka hor ka saareen Al-shabaab

Caydiid Ali

Bankiga Adduunka oo soo saaray War cusub oo ka farxiyey dowlada Somalia

Caydiid Ali

Damaca Farmaajo & Go’aanka Mursal saameyn ma ku yeelan doonaan Shirka Dhuusamareeb?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---