Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynaha dowlada Turkiga oo si kulul u beeniyey Warar laga faafiyey

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa beeniyey wararka sheegaya in Turkey ay dagaalyahanno Syrian ah u dirtay Azerbaijan, si ay uga taageeraan dagaalka ay kula jirto gooni u goosatada ay taageerto Armenia ee gobolka Nagorno-Karabakh.

“Kuwa nagu sheegaya inaan Mujaahidiin ka yimid Syria u dirnay halkaas, annagu ma lihin ajande noocaas ah,” ayuu Erdogan ku yiri khudbad laga sii daayey taleefishinka.

Bishan horraanteedii, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Ankara ku eedeeyey inay jihaadiyiin Syrian ah gaysay gobolka, isagoo sheegay in Turkey ay ka gudubtay diilin cas.

“Waxay leeyihiin Mujaahidiin ka yimid Syria ayaad u dirteen Azerbaijan. Mujaahdiinta waa inay dalkooda ka shaqeeyaan, halkaas ma aadi lahayn.” ayuu yiri Erdogan.

Armenia iyo Azerbaijan oo ah laba dal oo horey uga tirsanaa Midowga Soviet ayaa sanado badan waxaa ka dhaxeeya dagaal la xiriira gacan ku haynta gobolka Nagorno-Karabakh, oo ay degan yihiin dad Armenian ah, balse ka tirsan Azerbaijan.

Dagaalkii ugu dambeeyey oo qarxay 27-kii September ayaa weli socda, kadib markii ay fashilantay xabad-joojin la gaaray Sabtidii, oo daqiiqado kooban un dhaqan-gashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo shaki weyn ka muujiyey in kooxda Daacish ay fulisay weerarkii Moscow

Caydiid Ali

Masuuliyiin iyo dadweyne ka qeyb galay aaska marxuum Cali Nuur Shuute (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo gaaray Deegaano hoostaga Degmada Ceelbuur

Cabdi Cade
Taboola Ads ---