Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan xog wareysi iyo wadatashi ah la yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La Socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee Madaxa Bannaan, kuwaasoo uga warbixiyey halka ay marayaan hawlaha dhammeystirka Dastuurka iyo arrimaha horyaala.
Hay’adaha qaabilsan dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka ayaa R/Wasaaraha warbixin ka siiyey hawlaha u qabsoomay muddadii la soo dhaafay, waxayna sheegeen in la dhamaystiray dastuurka boqolkii sideetan iyo shan, haatanna loo baahan yahay in la guda galo ilaa 10 qodob oo masiiri ah kuwaasoo u baahan wadaxaajood siyaasadeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilaamay in Xukuumaddiisu ay ahmiyad gaar ah siinayso sidii loo dhammaystiri lahaa dastuurka KMG, iyada oo xoogga la saarayo qodobada u baahan wadatashiga guud, maadaama la soo dhamaystiray inta badan qodobadii kale ee farsamo, waxa uuna bogaadiyey shaqada ay qabteen Wasaaradda iyo Guddiyada u xilsaaran dhammaystirka dastuurka, kuwaasi oo ku shaqeeyay duruufo adag.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com