Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Farmaajo, Rooble & Mursal oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Villa Somalia

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan kulan Saddex geesood ah oo xalay Villa Somalia ku dhexmaray Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Rooble.

Kulankan ayaa looga hadlay magacaabida Golaha Wasiiradda oo lagu wado in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo sida ay ku waramayaan ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia.

Guddoomiye Mursal ayaa dhowr isaga daba laabtay Xafiiska Madaxweynaha, isagoo dedaal ugu jiray in la aqbalo xubno uu doonayo in Golaha Wasiiradda loogu daro.

RW Rooble ayaa wada la tashiyadii ugu dambeeyey ee uu ku soo magacaabayo golihiisa wasiirada oo la filayo iney badankood noqdaan xildhibaano ka mid ah golaha shacabka.

Wararkii ugu dambeeyey kulankaas ayaa sheegaya in madaxdu isku raaceen in 48 saac gudahood lagu soo magacaabo Golaha wasdiirada, masuul walbana looga dambeeyo magacaabida xubnaha beeshiisa uga mid noqonaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka oo Runta u sheegay Guddoomiye Cali Jeyte

Cabdi Cade

Mareykanka iyo Itoobiya oo mar kale isku dhacay ka dib safarkii Blinken ee Addis ababa

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyey Doha (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---