Allbanaadir.com
NEWS

Khayre oo la kulmay Xildhibaannada Soomaalida ee ku jira Baarlamaanka Kenya (Sawirro)

Musharax madaxweyne, Xasan Cali Khayre oo Kenya ku jooga safar uu ku marayo wadamada gobalka oo la xariira xoojinta ololihiisa doorashada madxtinimada, ayaa kulan magaalada Nairobi kula qaatay xildhibaannada Soomaalida ah ee dalka Kenya.
 
Kulanka ay qaateen Xasan Cali Khayre iyo mudanayaasha Soomaalida ah ee Kenya oo ka kala socda labada Aqal ee baarlamaanka ayaa qeyb ka ahaa kulamada uu Khayre Kenya kula qaadanayo mas’uuliyiin kala duwan.
 
Xasan Khayre ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook waxuu ku yiri, “Waxaa sharaf ii ah inaan maanta kulan wadatashi ah la yeeshay xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya.
 
Waxaan uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin. Horay waxaan wadatashiyo dhaxal gal ah ula yeeshay Shacabka Soomaaliyeed ee aan caasimadda dalka kula kulmay iyo madaxwaynaha Dowladda walaalaha nahay ee Djibouti oo qeyb wayn ka qaatay welina u taagan dib-u-dhiska dowladnimadeenna”.
 
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka oo muda ku dhaw Asbuuc ku sugan Kenya ayaa horay usoo maray dalka Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
 
Khayre oo kamid ah musharixiinta ugu cadcad ee loo saadaalinayo inay ku guuleystaan xilka madaxtinimada dalka ayaa la filayaa inta uu joogo Kenya inuu kulamo kale la qaato mas’uuliyiinta sare ee Kenya iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya.
 
Kulankii Madaxweyne Ismaaciil uu la qaaday iyo kulankaan labaad ee mudanayaasha Soomaalida ah ee dalka Kenya uu la yeeshay waxay muujinayaan in Xasan Khayre uu ololihiisa madaxtinimada uu muhiimad gaar ah ku siinayo bulshooyinka Soomaalida ah oo si gaar ah ay u laxawsanaya ayna u taabaneyso horumarinta dowladnimada dalka.

.

Related posts

Musharaxad geeriyootay oo loo doortay kursi Xildhibaanimo oo ay u tartameysay

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo maanta Imaanaya Muqdisho iyo Xog ku aadan halka uu degayo

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis taageero gaar ah oo lagu dhisayo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---