Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi kasoo jeeda Xawaadle oo loo balan qaaday Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle iyo Lacag

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ka shaqeeneyso sidii isbadal loogu sameyn lahaa hogaanka sare ee maamulka Hirshabelle gaar ahaan tan Madaxweynaha.

Waxaa hada taagan khilaaf ka dhashay in xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabelle noqoto doorasho furan oo loowada tartami karo, taa oo ka dhigeysa in xilkaasi waayi doonaan Beesha Xawaadle oo horey u heesatay iskuna siisay xilkaasi.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta Beesha Xawaadle ayaa inta badan kasoo horjeestay in xilka Madaxweynaha laga wareejiyo beeshooda, waxa ayna ku hanjabeen in hadii xilkaasi laga wareejiyo isaga bixi doonaan Hirshabelle.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa bilowday qorshe ay ku raadineyso siyaasiyiin saameyn ku dhax leh beesha Xawaadle iyo gobolka Hiiraan si loogu qanciyo in xilka Madaxweynaha loogu wareejiyo Sh.Dhaxe una qaataan Caasimad iyo Madaxweyne kuxigeen.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo kamid ah siyaasiyiinta saameynta ku leh Hiiraan la geeyay Villa Soomaaliya laguna qanciyay in la siiyo xilka Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle iyo lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar.

Xogaha aan heleyno ayaana sheegaya in Dabageed uu aqbalay inta badan balanqaadkii loo sameeyay iyo shuruudaha lagu xiray ay kamid tahay in uu ka shaqeeyo in uusan Baarlamaanka doorashada Baladweyne uusan kasoo gali Cabdulaahi Sanbaloolshe.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa halis u aragta in Sanbaloolshe oo ah nin aan ganban mucaaradna ku ah in uu soo galo Baarlamaanka federaalka, waxa ayna Madaxtooyada dadaal ku bixineysaa sidii looga hortagi lahaa in Sanbaloolshe Xildhibaan noqdo.

Qorshaha Villa Soomaaliya ku raadineyso siyaasiyiin raali ka noqon kara in Hiiraan laga wareejiyo xilka Madaxweynaha ayaana wali socda, waxa ayna Villa Soomaaliya baadi goob ugu jirtaa xubno kale oo saameyn ku leh Beesha Xawaadle si ay uga iibiyaan damacooda.

Siyaasiyiin dhoor ah oo kasoo jeeda Beesha Xawaadle ayaana lagu qanciyay in aysan kahor imaan qorshaha xilka Madaxweynaha Hirshabelle looga wareejinayo beeshaasi , waxaana siyaasiyiinta qaar loo balan qaaday in Xildhibaano laga dhigi doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo u Safray Dalka Ingiriiska (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay in 80 Askari iyo Ajaaniib ku dileen Qaraxii Afgooye

Cabdi Cade

RW Netanyahu oo sheegay xiliga la soo afjarayo howlgalka ay ka wadaan Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---