Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Turkiga oo qaaday talaabo kale oo ka careesiisay Gariiga iyo Khilaafkii oo soo noqday

Waxaa mar kale soo cusboonaaday khilaafkii u dhaxeeyay dowladaha Gariiga iyo Turkiga oo isku haya qeybo kamid ah biyaha badda Meditareeniyaanka oo labada dalba sheegtaan in iyagu leeyihiin.

Dowlada Turkiga ayaa maanta sheegtay inay dib u diri doonto markabka gaaska ka sahmiya badda Meditareeniyaanka oo ku muran sanyihiin dowladaha Turkiga, Gariiga iyo Jaziirada Qubrus.

War kasoo baxay Ciidamada badda Turkiga ayaa lagu sheegay in markabka Oruc Reis ay wehliyaan labo markab oo nuuca dagaalka ah ay dhaq-dhaqaaqyo ka sameyn doonaan gobolka, oo ay ku jirto koonfurta jaziiradda Kastellorizo illaa 22-ka October.

Qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay Wasiirka Tamarta Turkiga Fatih Donmez ayuu ku sheegay in dowlada Turkiga ay sii wadi doonto inay sahmiso, qoddo islamarkaana ilaaliso xuquuqdeena gaarka ah.

Wasaarada arimaha dibadda Gariiga ayaa si kulul u cambaareesay talaabadan cusub ay dowlada Turkiga qaaday,waxa ayna Gariiga sheegeen in talaabadan tahay mid halis ku ah amaanka gobolka iyagoona Turkiga ku tilmaamay mid aan la isku haleyn karin.

Dowladaha Turkiga iyo Gariiga khilaafka u dhaxeeyay ayaa meel xun gaaray, waxaana guul dareestay dadaalo lagu doonayay in ay labada dal kuwada hadlaan si meesha looga saaro waxyaabaha keenay khilaafka labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Cali Guudlaawe kala hadlay danjire Ahmed Jumca Al-Rumeysi (Sawirro)

Caydiid Ali

Wadahadalo Nairobi uga socday Madaxweynaha Jubbaland iyo Siyaasiyiin kasoo horjeeday oo …

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Qatar oo xoojinaya iskaashiga dhinaca ammaanka ee u dhaxeeya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---