Markii uu bilaabay inuu tiriyo tirada badda ku dhimatay iyaga oo ku safraya doomaha u kala goosha Kismaayo iyo Baraawe, saaxiibkay waxaa ka luntay qiyaastii. Wuxuuse hubaal u tirin karaa dhowr qof oo uu weji ahaan yiqiin kuwaas oo geeridooda loo soo sheegay.
Dhawaan, ayuu yiri, waxaa la bilaabay in doontii safartaba laga soo sheego hebel oo saarnaa ayaa ku dhintay. Boqol dhalinyaro ku dhow ayaa la tibaaxaa inay ku baxeen.
Ka sheekeynta qisooyinka xanuunka leh ee laga weriyo safarka badda waxay ku timid markii aan saaxiibkay su’aalay haddii safarkayga xiga ee Baraawe aan ku aadi karo doon. Wuxuu durba lasoo kacay layaab dheygag leh, madaama uu ogaa inaan galti ku ahay Kismaayo, wuxuu in yar kaddib doortay inuu si degan iigu sharraxo dhibaatada doonleyda iyo ganacsatada qaadleyda u badan ku heysata safarka dhinaca badda ah oo ay iskugu kala gooshaan labada magaalo ee Kismaayo iyo Baraawe.
Dooman ayaa doorta inay shixnad badan oo qaad ah u daabulaan Baraawe iyaga oo karaankooda isugu geynaya suura-galnimada safar aanay saadaashiisu caddeyn. Maadaama ay adag tahay in dhulka la marsiiyo qaadka – cabsi laga qabo al-Shabaab – waddada kaliya oo u furan si ganacsigaas usii jiro waa in la marsiiyo dhinaca badda. Mana ahan Baraawe halka ay u shiraacdaan. Waxay gaaraan ilaa iyo Xamar iyo kasii shishe mararka qaar.
Qaadka yimaada Jubbaland, marka laga soo tago Dhoobleey, intiisa badan waxaa lasoo marsiiyaa badda, waxaana lagu keenaa dooman. Mararka qaar, doomahaasu waxay usii gudbaan Xamar iyaga oo dejinaya shixnado toos looga soo raray Lamu.
Balse waa Somaalida doonleyda ah kuwa halista ugu badan kala kulma ganacsigaas. Intooda badan waxay u sahan tagaan geerida. Waayo, ogaal iyo ogaal la’aanba, waxay doortaan inaysan hakad marnaba gelin howshooda.
Dhibta jirta ma ahan oo kaliya aqoon buuxda u lahaanshiyaha halka iyo hilinka ugu fudud oo durba lagu gaari karo magaalo-ka-magaalo. Adeegsiga dooman aan sidii loo baahnaa u qalabeysneyn iyo tan dhaafka shixnadaha oo mararka qaar ka culus qaadkii loogu tala-galay iyo gedgedoonka hirarka badda oo, sida uu igu yiri, ay mararka qaar si indha la’aan ah uga hortagaan, ayaa sababta geerida sida joogtada ah looga soo weriyo xagooda.
In kasta oo dowladdu ay mamnuucday qaadka, haddana, ugu yaraan ugama dhaqan-gelin dalka oo dhan sidii loo baahnaa. Waxaa muuqata in ganacsigiisu uusan marnaba yeelan dooni dhammaad, balse si uu usii jiro ay dartiis u dhiman doonaan dhalinyaro Somaaliyeed oo lafahooda u biimeynaya.
Qorshahaygii ahaa inaan badda ku safro, kolay hadda in badan iima tirsana, waxaase tiiraanyo igu heysa tirada da’yarta Somaaliyeed oo iyaga oo bedqaba subax kamid ah subaxyada ka toosa aqalladooda, kadibna gelinka danbe lasoo weriyo geeridooda.
Qore: Zaki Hiraale.
Kala xiriir:Â hiraal86@gmail.com.