Allbanaadir.com
NEWS

Qaar kamid ah Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho oo saakay xiran (Daawo Sawirada)

Waxaa saakay xiran qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinkaasi lasoo dhigay gaadiidka dagaalka iyo ciidamo u badan kuwa koofiyo casta oo gaadiidka u diidaya in wadooyinkaasi maraan.

Dad badan oo isugu jiray arday, bukaano iyo dad kale oo shaqo tag ahaa ayaa mar qura kusoo toosay wadooyinka magaalada oo xiran, waxaana dadkan dantu ku qasabtay in ay lugeeyaan masaafooyin dheer si ay u tagaan halka ay ku jeedeen.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah laamiga Maka Al Mukarama oo ah laamiga ugu mashquulka badan caasimada, waxaana laamigaasi lasoo dhigay ciidamo badan oo gaadiidka dagaalka wadooyinka ku jaray.

Lama oga wali sababta rasmiga ah ee saakay loo xiray wadooyinkan, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in sababta loo xiray wadooyinka qaar tahay in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu booqanayo qaar kamid ah isbitaalada kuyaala Muqdisho .

Dowlada ayaa inta badan dadka ku wargalin wadooyinka la xirayo, waxaana dad badan kusoo toosaan xiliyada qaar wadooyinka oo xiran iyagoona ku adkaato in ay tagaan goobaha shaqada, waxbarashada iyo caafimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bambo lagu tuuray Goob uu ku sugnaa Ra’isul Wasaare Fumio Kishida iyo Kala carar dhacay

Cabdi Cade

Aabe si arxan daran u dilay Xaaskiisa & Wiil uu dhalay oo xukun lagu riday

Caydiid Ali

Dowlad ka tirsan Yurub oo shacabkeeda u fasaxday cabista daroogada xashiishka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---