Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo ciidamo hor leh geesay xadka Soomaaliya iyo Kenya (Daawo Sawirada)

Dowlada Soomaaliya ayaa ciidamo hor leh geesay xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya gaar ahaan xad beenaadka kuyaala inta u dhaxeysa  magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera.

Goobta la geeyay ciidankan cusub ayaa la sheegay in horey u joogeen ciidamo hore balse lagu xoojiyay ciidankan cusub, lamana oga sababta xiligan loo xoojiyay ciidamada jooga xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Taliyaha Ciidamada Xasilinta Gobolka Gedo, Bakaal Kooke  iyo qaar ka mid ah, Saraakiisha Ciidamada  Guutada 12aad Qeybta 43aad Ee Degmada Balad-Xaawo ayaa tagay xadka Balad Xaawo la wadaago Mandheera gaar ahaan goobta ciidanka la geeyay.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey xadka Balad Xaawo iyo Mandheera u geesay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya kadib dagaal halkaasi ku dhax maray ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/kariin Guuleed:”Haddii DF xal keeni weyso, dowlad kale ayaan ka garab dhiseynaa”

Caydiid Ali

Golaha Musharaxiinta oo si kulul uga hadlay rasaastii lagu furay dibed baxayaasha (Akhriso)

Caydiid Ali

Ma dhab baa in Xassan Shiikh uu ka shaqeynayo xiriir dhexmara Somalia iyo Israel?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---