Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxo hubeysan oo caawa dil ka geystay gudaha Masjid ku yaalla Gaalkacyo

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa caawa qof shacab ah waxay ku dileen Masaajid ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Siciid Jaamac Kulan (Maradona) oo la sheegay inuu ahaa nin taksiile ah ayey wararku sheegayaan in lagu dhex dilay masaajidka Abuu Hureyra ee magaalada Gaalkacyo markii uu rasaas ku furay nin bastoolad ku hubeysan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ninka hubeysan ee dilka geystay uu deg deg uga baxsaday Masaajidka, laguma guuleysan in la qabto sida ay ku warameen dad goob joogayaal ah.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray masaajidka uu dilku ka dhacay, iyagoo halkaas ka wada howlgalo baaritaano ah, lamana oga illaa hadda sababta loo dilay ninkan iyo cida ka dambeysay inkastoo dilalka noocan ah loga bartay Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shixnad dollar la been abuuray oo lagu qabtay garoonka Aadan-cadde (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Midowga Afrika oo shaaciyey xiliga dib loo bilaabayo dhimista ciidanka ATMIS

Caydiid Ali

Gudoomiyaha Aqalka sare oo taageeray Dalabkii Puntland baaq cusubna soo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---