Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxaa looga hadlay kulan dhexmaray RW Rooble & taliska Booliska?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta taliska ciidanka Booliika Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo hoggaanada taliska, isagoo ku boorriyay inay dardar-geliyaan howlaha lagu sugayo ammaanka guud Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka.

Ra’iisul Rooble ayaa kula dardaarmay saraakiisha booliiska Soomaaliyeed in kor loo qaado sugidda amniga dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay ku helaan ammaan buuxa.

“Waa in qofku amni ku helo gurigiisa, isagoo kalsooni u qaba ciidanka Booliska. Si aad taasi u suuro-gelisaan dowladdu waxay idin la garab taagan tahay wixii taageero ah ee aad u baahan tihiin.”

Mudane Rooble ayaa faray saraakiisha ciidanka in xal loo helo dambiyada ay ka mid yihiin: dhaca, dilka iyo kufsiga haweenka ee kooxaha burcada ah ay u geysanayaan bulshada kuwooda nugul.

Ra”iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Video:-Niyad Jabka ama diiqada qofka ku dhacda maxaa sababa? wax badan Ka ogow

admin

Madaxweyne Biden oo cadaadis xooggan saaraya Netanyahu

Cabdi Cade

Sweden oo fulisay shuruud adag oo Dowlada Turkigu ku xirtay iney ku biirto NATO

Caydiid Ali
Taboola Ads ---