Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) RW Rooble oo baaq muhiim ah u diray bulshada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaliyeed in la garab istaago dadka nugul ee qaba xanuunka dhimirka.

Sanad walba marka la gaaro 10 -Oktoobar waxaa adduunka oo dhan laga xusaa maalinta xanuunka dhimirka, waxayna Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xoogga saari doontaa wax ka qabashada dadka qaba xanuunka ee sii kordhaya.

“Kumannaan bulshadeenna ka mid ah ayaa la nool xanuunnada dhimirka, kuwaas oo inooga baahan daryeel iyo damqasho gaar ah. Waxaan xil gaar ah iska saareynaa daryeelka dadkeenna dhimirka ka xanuunsan iyo u helista xarumo lagu daryeelo”. Ayuu yiri R/Wasaare Rooble.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku boorriyay dadka Soomaaliyeed in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo dadkeenna la nool xanuunnada dhimirka.

Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo si gaar ah uga shaqeeya daryeelka qeyb ka mid ah bulshadeenna oo aad ula ildaran xanuunkan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kala sheekeystay, ugana mahadceliyay howsha adag ee uu hayo ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu afduubtay Johannesburg iyo Baadi goob loogu jiro

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Khayre Oo Furay Shirka Kooxda Xariirka Somalia Ee Ururka Iskaashiga Islaamka

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Al Shabaab oo dagaal kula wareegtay Degmada Balcad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---