Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Danjire Soomaali ah 10 sano ka dib laga gudoomay Warqadaha aqoonsiga (Sawirro)

Madaxweynaha dalka Galbeedka Afrika ku yaalla ee Senegal ayaa warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjiraha cusub ee Somalia u fadhin doona dalkaas Maxamed Xuseen Awliyo.

Danjiraha ayaa soo dhoweyn hab maamuus leh loogu sameeyey xarunta Madaxtooyada Magaalada Dakar, halkaasoo uu ku qaabilay madaxweynaha dalkaas Macy Sall

Danjire Maxamed Xuseen Awliyo waxaa sannadkii 2010 u magacawday Dawladdii Shiikh Shariif inuu noqdo Safiirka Soomaaliga ee Senegaal laga soo bilaabo xiligaas ilaa shalay oo la qaabilay waxa uu dedaal ugu jiray sidii loo aqoonsan lahaa.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa la yaabay in danjire la magacaabay 10 sano ka hor xiligan laga  gudoomo warqadaha aqoonsiga, waxaana la isweydiinayaa sababta ay sidaas ku dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qudus: Nin hubeysan oo dil iyo dhaawac u geystay dad Yuhuud ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo hal arrin uga Mahad celisay Turkiga

Caydiid Ali

Nin Magangelyo-doon ah oo dalkiisa kasoo baxsaday oo dabaashay masaafo 20 KM !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---