Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Gaas ” Ma ogolaan doono Muuse Biixi oo Hargeysa ka yimid in Tukaraq Nabad ku joogo”

Madaxweynaha maamulka  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayay oo maanta dib ugu laabtay magaalada Garawe ayaa si kulul uga hadlay dagaalka kasoo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Gaas ayaa hambalyo u diray ciidamada Puntland uu sheegay in ay iska difaaceen Ciidamada maamulka Somaliland , waxa uuna sheegay in Somaliland duulaan kusoo qaaday diyaarna u yihiin in ay iska difaacaan.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in diyaar u yihiin in ay iska difaacaan gardarada maamulka uu hogaamiyo Muuse Biixi, waxa uuna cadeeyay in aysan marnaba aqbali doonin in dad Hargeysa kasoo duulay dhulkooda xoog ku joogaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay shacabka kasoo jeeda Puntland ee jooga gudaha iyo Dibadda in ay u diyaar garoobaan difaaca Dalkooda ,waxa uuna cadeeyay in Puntland mar walbo diyaar u tahay in ay is difaacdo.

”Waxaan hambalyo u dirayaa ciidamada Difaaca Puntland ee kahor tagaya dadka Hororka ee doonaya dhul aysan laheyn in ay kusoo duulaan ay qabsadana hadana nabad ku joogaan, waxaan sidoo kale ugu baaqayaa shacabka Puntland meel kasta ay joogaan in ay ka qeyb qaataan difaaca dhulkooda” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Waxa uu Madaxweyne Gaas ku eedeeyay Somaliland in ay usoo diyaar garowday dagaal iyo in dhiig la daadiyo xili dalku nabad yahay, waxa uu ku wargalinayo Muuse Biixi in Puntland diyaar u tahay in dhulkeeda difaacato iskana celiso cid kasa oo kusoo duusha.

” Waxaan u sheegaya Muuse Biixi iyo Dowladiisa gooni u goosadka in Puntland diyaar u tahay in dhulkeeda difaacato iskana celiso cid kasta oo kusoo duusha, waxa ay ku socdaan xaqdaro ,dhul aysan laheyn ayey rabaan in ay xoog ku qabsadaan suurto galna maahan, waad garaneysaan meesha uu ka yimid Muuse Biixi, Hargeysa ayuu ka yimid Tukaraq ayuu rabaa in uu yimaado uu ku nabad joogo suurto galna maahan sidaas ayaan u sheegayaa ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xili wali xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka Tukaraq halkaas ay isku hor fadhiyaan ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal ku yaalla bariga Afrika oo caasimadiisa ka mamnuucay Mooto Bajaajka

Caydiid Ali

Kiisaskii ugu badnaa cudurka COVID-19 oo maanta Soomaaliya laga diiwaan-geliyey

Caydiid Ali

Maxaa ku soo kordhay kursigii Xildhibaanimo ee uu rabay Fahad Yaasiin waana sidee Rajadiisa ?!!

admin