Allbanaadir.com
NEWS

Cabsi xoogan oo lasoo daristay qaar badan oo kamid ah Shaqaalaha Dowlada Soomaaliya

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xukuumadsa Somalia ayaa dhawaan shaacisay in baaritaano cusub oo la xiriira dhinaca amniga lagu sameynayo dhammaan shaqaalaha heyadaha dowladda

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiiq Warfaa ayaa lagu sheegay in shaqaalaha DFS baaritaano amni lagu sameyn doono, si loo hubiyo macluumaadkooda , isla markaana lala yeelan doono wareysiyo lana diiwaan gelinayo.

Qaar badan oo kamid ah shaqaalaha dowlada ayaa xiligan waxaa lasoo darsay cabsi la xariirta amaankooda iyo sidoo kale cabsi kale ay ka qabaan in shaqadooda waayaan lagana tiro boosaskooda rasmiga ah.

Waxa ay sheegeen shaqaalaha dowlada Qaarkood oon la hadalnay in aan la isku haleyn karin baaritaanada ay NISA ku sameyneyso shaqaalaha oo lagu ogaanayo xogtooda oo dhameestiran meelaha ay degan yihiin iyo sidoo kale telfoonadooda.

Shaqaalaha dowlada qaarkood ayaa sidoo kale shaki ka qaba qorshahan baaritaanada loogu sameenayo, waxa ayna tilmaameen in suurto gal tahay in shaqaalaha qaarkood in laga tiro liiska shaqaalaha  laguna bedelo kuwa kale iyada oo mar marsiiyo loo sameenayo.

Shakiga ugu badan ayaa dhaliyay xiligan xasaasiga ah ee kala guurka ee lagu soo aadiyay baaritaanadana la sheegay in NISA ku sameeneyso shaqaalaha dowlada federaalka gaar ahaan kuwa rasmiga ah .

Masuuliyiinta xilalka haya ayaana suurto gal tahay in xiligan kala guurka ah ka faa’iideestaan ayna dad ehel ah iyo kuwa kale oo asxaabtooda ah in boosas uga helaan dowlada kahor inta aysan shaqada baneyn.

 

Related posts

Kulan looga hadlayo Qodob culus oo la iskugu yeeray Xildhibaanada Golaha shacabka

Caydiid Ali

Gaari Rakaab ah oo lagu qarxiyay Duleedka Balcad iyo dad badan oo ku dhamaaday

Cabdi Cade

Xogta kulan dhexmaray Wasiiru dowlaha A/Dibadda DF & dhigiisa Dr. Mohamed Al-Khulaifi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---