Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Aabe Sacuudiyaan ah oo baraha buslshada ku baahiyay Muuqaal caro badan abuuray oo la xiray

Aabe Sacuudiyaan ah ayaa baraha bulshada ku baahiyay muuqaal uu ka duubay gabar yar uu dhalay uu si xun u garaacayo, muuqaalkan oo si weyn loo baahiyay ayaana caro badan ka abuuray gudaha Sacuudiga iyo guud ahaan baraha bulshada.

Booliiska magaalada Barakeesan ee Makka ayaa xiray aabahan da’diisa lagu qiyaasay 40-sano jir, waxaana booliiska wax ka weediinayaan waxa kalifay in gabartiisa sida arxan darada ah u garaaaco kuna baahiyo baraha bulshada ku kulanto.

Muuqaalka aabahan baraha bulshada ku baahiyay oo labo daqiiqo iyo 19 seken ah soconaya ayaa laga arki karay gabadha oo xabadka u jiifta. Aabbaheed ayaa garaacaya, waxaa laga maqli karay iyadoo oyneysa kana baryeysa inuu joojiyo dilka.

Dadka Sacuudiga ee muuqaalkan baraha bulshada iskula wadaagay ayaa si weyn uga carooday, waxa ayna dowlada ugu baaqeen in aabahaasi ku xadgudbay gabadhiisa cadaalada la horgeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Banaan bax goordhaw ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo Muwaadiniin Kenyan ah ka soo qafaashay agagaarka Gaarisa

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Amar deg deg ah siiyay Laamaha amaanka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---