Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Soomaali lagu waayey weerarkii Westgate oo sii deyntiisa ka dib la afduubtay

Liibaan Cabdullaahi oo ka mid ahaa saddex nin oo loo heystay weerarkii dhismaha laga dukaameysto ee Westgate ee magaalada Nairobi kaasoo maxkamad ay sii deysay labo maalmood ka hor markii lagu waayay caddeyn ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in la afduubtay.

Hay`adda u doodda xuquuqda Muslimiinta Kenya ayaa sheegtay in Liibaan markii ay maxkamaddu sii deysay uu soo raacay gaari ay la saarnaayeen xubno ka tirsan qoyskiisa, kaddibna waxaa gaariga kala degay rag hubeysan oo waddada u galay.

Mbugua Mureithi oo ah Qareenka Liibaan ayaa isdna sheegay in raggan afduubtay ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ciidamada ammaanka dowlada Kenya, iyadoo Booliiska dalkaasna ay ka gaabsadeen iney arrintaas ka jawaabaan.

Labo nin oo la xirnaa Liibaan Cabdullaahi  ayay maxkamaddu ku xukuntay inay gacan ka geysteen weerarkii sanadkii 2013 lagu qaaday dhismaha laga dukaameysto ee Westgate ee magaalada Nairobi, kaas oo ay ku dhinteen 67 qof.

Lama oga illaa hadda halka lala aaday iyo waxa uu ku sugan yahay Liibaan Cabdullaahi oo ah Soomaali qaxooti ku ah Kenya lana dhashay mid ka mid ah raggii weeraray Westgate.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka NISA oo howlgal xirfadeysan ku soo qabtay xubin ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Doorasho qof iyo cod ah halista ugu weyn ee ay leedahay waxay tahay..”

Caydiid Ali

Wasiir hore oo loo xiray Lacag uu xaday kuna galay Aroos iyo hadal heyn ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---