Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Dibed-baxyo rabshado watay oo saaka ka dhacay degmo la tirsan Puntland

Banaanbax rabshado watay ayaa maanta ka dhacay Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, kaasoo ay ka qeyb qaateen qaar ka mid ah shacabka degmadaas

Dadka banaanbaxa dhigayay oo taayaro ku gubay wadooyinka magaalada Badhan waxayna sheegeen inay ka cabanayaan Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Dhabancad  oo ay sheegeen inuu kala qeybiyay shan xubnood oo lagu daray golaha Degaanka Badhan

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland inuu faraha kala baxo arrimaha la xiriira Golaha degaanka Magaalada Badhan.

Wasaaraddda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland wax jawaab ah kama bixin eedeynta ay u jeediyeen Shacabka ku nool Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, waxaana degan haatan xaalada degmadaas ka dib banaanbaxii saaka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh iyo Xildhibaanada Damul Jadiid oo eedeyn culus loo jeediyay

Cabdi Cade

Trump oo amray in la weeraro Iran, markii dayuuradihii dagaalka la kiciyeyna ka laabtay

Caydiid Ali

(Akhriso) DF oo baaq u dirtay milkiilayaasha Maqaayadaha iyo Hotelada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---