Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydka Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo saacadaha soo socda Muqdisho la keenayo

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho la keeno meydka Raisul Wasaarihii hore ee Somalia marxuum Cali Khaliif Galeyr oo shalay ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida.

Marxuumka ayaa maanta aas qaran waxaa loogu sameyn doonaa magaalada Muqdisho, iyadoona qaban-qaabada aaska ay ka socoto magaalada, madaxda sare ee dowlada ayaana la filayaa iney janaaso ku tukadaan, aaskana ka qeyb galaan.

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in Cali Khaliif Gallaydh Raiisul Wasaarihii hore ee dalka uu u geeriyooday  Cudurka COVID-19.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Deegaanka  Soomaalida Mukhtaar Yuusuf ayaa sheegay ka dib baaritaano ay ku sameeyeen inuu haleelay COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay shalay guddi soo qabanqaabiya aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyo Marxuum Cali Khaliif, kaasoo ka kooban Seddax xubnood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Biyo Qabad Weyn oo mudo kadib laga dhisayo magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Abaabul Dagaal oo ka socda Deegaano katirsan Galgaduud iyo Odayaal hubka qaatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliban oo sabab yaab leh Shaqada uga eriday 240 askari

Caydiid Ali
Taboola Ads ---