Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Faahfaahin: Weerar Khasaare nafeed geystay oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Wararka  naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay bambo gacmeed ku weerareen goob lagu caweeyo oo ku taalla Magaaladaasi.

Ugu yaraan Saddex qof oo isugu jira shacab iyo askar goobta ku sugnaa ayaa ku dhaawacmay qaraxan oo ka dhacay Xaafada Guulwade ee magaalada Kismaayo.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Kismaayo halkaasoo lagu daweynayo.

Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa xalay illaa saaka baaritaano ka wado xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, iyagoo baadi goobaya raggii ka dambeeyey qaraxan.

Saraakiisha amniga Jubbaland kama hadlin dhacdadan, balse Weerarada loo adeegsado bam gacmeedka ayaa xiliyada habeenkii ku soo batay magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Amar cusub oo lagu soo rogay Dalladaha Waxbarashada & Iskuulada dalka

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo Mareykanka uga mahad-celiyay dhowr arrin ay ka taageeraan Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Joe Biden oo qorsheynaya inuu qaado talaabo ku cusub taariikhda Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---