Allbanaadir.com
NEWS

Muqtaar Sheekh Xuseen oo isku soo sharaxay Xildhibaanimo iyo Beeshiisa oo taageertay (Sawirro)

Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan hotelka Dayax lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu taageerayay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Muqtaar Sheekh Xuseen Shahaad oo isku soo sharaxay Xildhibaanimo.

Munaasabada lagu taageerayay Musharax Muqtaar Sheekh Xuseen ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan beesha iska leh kursiga uu u tartamayo ee Habar Ceybo Murusade.

Dhamaan Waxgaradkii iyo dadkii kala duwanaa ee munaasabada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Musharaxnimada Sheekh Mukhtaar uu ku doonayo kursiga Xildhibaanimo ee beeshiisa, waxa ayna u muujiyeen taageero iyo garab istaag.

Muqtaar Sheekh Xuseen Shahaad oo ka hadlay munaasabada lagu taageerayay ayaa balan qaaday in wax badan oo muuqda u qaban doono dadka uu matalo iyo Qaranka Soomaaliya hadii uu ku guuleesto kursiga Xildhibaanimo uu u tartamao.

Musharaxan oo siyaasi saameyn badan wax badana kusoo dhax jiray dowlada Soomaaliya ayaa taageero badan ku dhax leh bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan beesha uu kasoo jeedo, waxaana si weyn loogu saadaaliyaa in uu kusoo bixi doono dooarshada Xildhibaanimo ee ka dhaceysa Dhuusomareeb.

Related posts

Booliska Muqdisho oo qabtay Mooto dhac lagu geystay iyo rag hubeysan oo watay

Caydiid Ali

(Sawirro) Saddex dal oo dhaqaale gaaraya malaayiin Dollar ugu deeqay Somalia

Caydiid Ali

Lixdan Sano ka dib: Goormaan aragnay gobannimo lagu liibaannay, kuna ladnaanay?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---