Masjidka Sheekh Isxaaq ee kuyaala magaalada Berbera ayaa mudo labo sano ah u xirnaa labo dhinac oo isku heesatay maamulida Masjidkaasi, waxaana ugu dambeyn lagu guuleestay in masjidka dib loo furo.
Maamulka Somaliland gaar ahaan Wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta iyo maamulka Berbera ayaa ku guuleestay in Masjidkan dib loo furo, waxaana maamulka Masjidkaasi la wareegtay Xukuumada Somaliland .
Wasaarada Owqaafta iyo Arimaha diinta Somaliland ayaa ka wareejisa labadii dhinac ee isku heestay maamulka Masjidka Sheekh Isxaaq, waxaana Wasaarada soo magacawday Imaam KMG ah oo Masjidka sii maamulaya.
Halkan ka Daawo Muuqaalka Masjidka labada sano xirnaa ee dib loo furay
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com