Allbanaadir.com
NEWS

Dhacdo dad badan ka argagaxeen oo ka dhacay Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Nin faas ku hubeesan oo madaxa looga jiray ayaa dad isku qoys ahaa ku laayay Tuulada Faarax Liibaan oo qiyaastii 18 km u jirta degmada Xarshin oo ka tirsan Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Sida aan wararka ku helnay ninkan ayaa galay guri ay qoyskan degnaayeen waxa uuna faas ku dilay aabaha iyo hooyada reerkaasi iyo labo caruur ah ay dhaleen, waxa uu sidoo kale dhaawacay shan qof oo kale .

Dadka dhaawacyada kasoo gaareen weerarkaasi oo afar kamid ah caruur yihiin ayaa la sheegay in ay qabaan dhaawacyo culus , waxaana lagu daweenayaa isbitaal kuyaala magaalada Jigjiga.

Dhacdadan ayaana noqotay mid dad badan ka argagaxeen walina ka murugeesan yihiin, waxaana ninkii dadka laayay oo dhimirka ka xanuunsanaa gacanta ku haya ciidamada booliiska deegaanka Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Afrikan ah oo ku baaqay in Xildhibaanada dalkiisa laga mamnuuco safarrada Dibadda

Cabdi Cade

Miisaaniyadda sanadka 2018 ee dowladda Soomaaliya oo dood dheer ka dib la ansixiyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka kaliya ee diiday in Liiska argagxisada laga saaro ONLF iyo Qalbi dhagax

Caydiid Ali
Taboola Ads ---