Waxaa dhawaan la filayaa in dalka ka dhacdo doorashada Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya , Gudoonka labada aqal iyo tan Madaxweynaha, waxaana hada bilowday diyaar garow xoogan oo doorashadaasi loogu jiro.
Doorashada Xildhibaanada labada aqal ayaana sanadkan ka adag kana duwanaan doonta kuwii hore, waxaana la saadaalinayaa in sanadkan daaqada ka bixi doonaan siyaasiyiin sanado badan kursiga Xildhibaano laga qaadi waayay.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa doonaya in mar kale xilka Madaxweynaha loo doorto, waxa uuna Madaxweynaha dadaal badan ku bixinayaa qaab kasta oo usuurto galin karta in uu kusoo laabto.
Farmaajo ayaana kalsooni badan ku qabin Xildhibaanada hada jooga oo u badan kuwa ku xiran kooxo kala duwan iyo kuwa danley ah, waxa uuna taa badalkeeda doorbidayaa si mar kale loo soo doorto in Xildhibaanada sanadkan u bataan wajiyo cusub.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa noo xaqiijiyay in Madaxtooyada Soomaaliya dadaal ku bixineyso sidii loo soo saari lahaa Xildhibaano badan oo la isku aamini karo aadna u aaminsan afkaarta kooxda Nabad iyo Nolol.
Waxaana socda qorshe Villa Soomaaliya wado oo Xildhibaano looga dhigayo xubno badan oo kamid ah xoogaga Wadaniyiinta Soomaaliyeed oo la aaminsan yahay in daacad u yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo kooxda Nabad iyo Nolol.
Xoogaga Wadaniyiinta ayaana u badan dhalinyaro aad ugu dhaw Villa Soomaaliya, waxaana hada socda kala xulista xubnaha suurto galka ah in Xildhibaano laga dhigi karo si loo maalgaliyo looguna diyaariyo doorashada.
Doorashada Xildhibaanada ayaa sanadkan ka qaalisan tii sanadihii hore, waxaana sanadkan Xildhibaan kasta dooraneysa 101-ergo, waxaana kursi kasta Xildhibaanimo ku baxeysav ugu yaraan lacag gaareysa 300-kun oo dollar taa oo ku adkaan doonta dad badan.
Villa Soomaaliya ayaana ka fakereysa sidii meesha looga saari lahaa inta badan Xildhibaanada mucaaradka ee u badan kooxda Damul Jadiid iyo sidoo kale Xildhibaano kale oo mucaarad ku ah Dowlada hada jirta.
Dad badan ayaa aaminsan in aan la isku haleyn karin Xildhibaanada Soomaaliyeed ee lasoo dooran doono, waxaana wali la xasuustaa Xildhibaanadii tirada badnaa uu soo saartay Xasan Sheekh xiligii doorashada kuwaa oo ugu dambeyn isaga ka codeeyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com