Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sargaalkii dilay George Floyd oo xabsiga laga sii daayay iyo Sababta keentay !

Maxkamad kutaala gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa damaanad kusii deysay sargaal katirsanaa ciidanka booliiska Mareykanka oo si arxadan daro u dilay George Floyd oo ahaa nin Madowga Mareykanka kasoo jeeda.

Dilka sargaalkan u geestay ninka Madowga ah oo muuqaal laga duubay ayaa caro badan ka abuuray guud ahaan caalamka, waxaana Mareykanka gudihiisa dilka ka dhaliyay banaan baxyo rabshado watay oo dhaliyay khasaarooyin kala duwan.

Derek Chauvin oo ahaa sargaalka dilka geestay ayaa xabsiga looga sii daayay 1-milyan dollar oo damaanad ah, waxa uuna sargaalkan banaanka joogi doonaa inta laga gaarayo bisha Maarso ee sanadka soo socda ee 2021-ka.

Waxaa sidoo kale maxkamada damaanad kusii deysay sadex askari kale oo gacan ku siiyay sargaalkan dilkii loo geestay George Flyd oo xiligii la dilayay aan wadan wax hub ah oo sababi karay in la dilo.

Sargaalkan iyo askarta la eedeesan ayaa laga eryay shaqada ciidanka booliiska, waxa ayna si caadi ah u joogi doonaan guryahooda iyaga oon shaqo heyn inta laga gaarayo maxkamadeyntooda sanadka dambe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Xassan Shiikh oo xariga ka jaray xaruntii ugu horeysay ee..

Caydiid Ali

Dagaal xooggan oo ka socda Yaaqbariweyne iyo ciidamada KGS oo …

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Madaxdii hore ee dalka & Wakiilka QM ee Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---