Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee gor-gor iyo guutooyinka 7-add iyo 3-aad xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxeey howlgalo balaaranwaxa ay kawadeen degaano katirsan gobolada shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose.
Howlgalka ayaa ciidanka waxeey ku bur-buriyeen xarumo dhoor ah oo Al Shabaab lahaayeen ay kamid tahay Maxkamadii Al Shabaab ku lahaayeen Basra iyo xarumo kale oo muhiim u ahaa kooxda Al Shabaab.
War kasoo baxay milatariga Soamaaliya ayaa lagu sheegay intii howlgalka socday ay dileen sargaalkii Al Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Basra sidoo kale gubeen gaari Al Shabaab waxyaabaha qarxa kasoo buuxiyeen.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa usheegay in ujeedka howlgalka uu yahay bur-burinta goobaha Al-shabaab dadka ay joogaan kuna dhibaateeyaan shacabka sida uu tilmaamay.
Taliye Odawaa ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka xoogga dalka ay u diyaarsanyihiin sidii dalka oo dhan looga sifeeyn lahaa kooxda Al-shabaab uu xusay in hada la wiiqay awoodooda.
Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaana wada howlgalo balaaran ay ku doonayaan in Al Shabaab uga saaraan deegaano badan ay ka joogaan gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhaxe.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com