Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Rag loo heystay iney ka qeyb qaateen Weerarkii Westgate oo dembi lagu helay (Sawirro)

Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa dembi ku heshay labo ka mid ah saddex nin oo loo heystay inay ku lug lahaayeen weerarkii Al-Shabaab ku qaadday dhismaha laga dukaameysto ee Westgate sanadkii 2013

Waxaa la sii daayay mid ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu waayay caddeymo sida Maxkamadu sheegtay.

Kiiskan ayaa soo jiitamayay muddo toddoba sano ah, iyadoo Xukunkan labadan nin dib loo dhigay illaa 22-ka bishan.

Saddexdan nin ayaa loo heystay inay caawiyeen kooxdii soo qaadday weerarka oo bishii September 2013 waxaana ku dhintay 62 qof oo rayid ah, shan ciidamada ammaanka ka tirsanaa iyo afartii qof ee weerarka fulisay.

Liibaan Cabdullaahi oo ah Ninka saddexaad ee la sii daayay ayaa la dhashay mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, iyadoo labada nin ee lagu helay caddeynta ay kala yihiin Maxamed Axmed Cabdi iyo Xuseen Xasan Mustafah oo Kenya u dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo amar culus ka soo saaray cudurka Coronavirus (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xasuuq cusub oo ka dhacay dalka Itoobiya iyo Ra’isul Wasaare Abiy oo ka hadlay

Cabdi Cade

Israel oo Duqeyn ku leysay Wiilal uu dhalay hogaamiyaha Xamaas Ismail haniyah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---