Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir booqday Jiida hore ay ku sugan yihiin Ciidamada Puntland (Daawo Sawirada)

Masuuliyiin katirsan maamulka Puntland ayaa booqday jiida hore ee isku horfadhiyaan ciidamada maamulada Soomaaliland iyo Puntland, xili wali halkaasi ka jirto xiisad dagaal.

Wasiirkaa Wasaarada Maaliyada maamulka Puntland Cabdilaahi Saciid Carshe iyo masuuliyiin kale ayaa booqday jiida hore ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kuwa Somaliland.

Cabdilaahi Saciid Carshe oo sidoo kale kamid ah Guddiga taakuleynta ciidamada Puntland ayaa jiida hore ee dagaalka kula kulmay Saraakiisha ciidamada Puntland ee dagaalka hogaamineysa.

Wasiirka ayaa saraakiisha waxa ay uga warbixiyeen halka uu xaalku marayo iyo sidoo kale baahiyaha ay qabaan, waxa ayna Saraakiisha Wasiirka u sheegeen in guulo ka gaareen dagaal ay la galeen ciidamada Somaliland.

Xaalada Deegaanka Tukaraq oo dhawaan ka dhaceen dagaalo xoogan oo u dhaxeea Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa degan, waxaana wali jiro cabsi laga qabo in mar kale labada ciidan dagaalamaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo kormeeray Wado Cabasho laga keenay oo dib u dhis lagu bilaabay (Sawirro)

Cabdi Cade

Kulan Saddex geesood ah oo dhexmaray Shiikh Shariif, Axmed Madoobe & Deni (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaacisay in ay dileen Horjooge katirsanaa Ciyaalka Weerada

Cabdi Cade