Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah maanta la qaatay qaar kamid ah safiirada wadamada reer Galbeedka u jooga Soomaaliya .
Kulanka uu Ra’isul Wasaare Rooble la qaatay safiirada wadamada Sweden, Norway, Denmark, Finland iyo Iceland u jooga Soomaaliya ayey uga wada hadleyn arimo dhoor ah ay kamid yihiin doorashooyinka, amaanka iyo dowlad wadaaga.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaana uga mahad celiyay safiiradan uu la kulmay taageerada dowladahooda siiyaan Soomaaliya, waxa uuna balan qaaday in xukuumadiisa ka shaqeyb doonto hirgalinta dooarshada iyo xaqiijinta amaanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com