Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in Max’ed Bin Salman uu booqasho qarsoodi ah ku tegay Israel?

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Max’ed Bin Salmaan, ayaa dhawaanahan dhowr jeer booqasho ku tagay Israa’iil, sida ay tabiyeen warbaahinta Bariga Dhexe.

Warka ku saabsan Booqashooyinka qarsoodiga ah ee Maxamed Bin Salmaan waxaa shaaciyay Al Mayadeen TV oo la hadlay saraakiil ka tirsan laamaha amniga Israa’iil.

“Warar la xidhiidha arrimaha dibadda ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ku istareexay qorraxda magaalada Tel Aviv, dhowr jeer,” ayuu telefishinka ku yiri sarkaal Horay uga tirsanaa hay’adda amniga Israa’iil ee lagu magacaabo Shin Bet.

Sheekadadan ayaa waxaa si weyn u hadal haya Warbaahinta Iran, iyadoo Sacuudiga lagu yaqaano in uusan Israa’iil u dhaleeceynin sida ay u dhaliilaan Iiraan iyo Turkiga.

Dadka falanqeeya xaaladda gobolkaas ayaa aaminsan in xiriir qarsoodi ah uu horay uga dhaxeeyay Sacuudiga iyo Israa’iil, laakiin ilaa hadda ma jiraan safarro la xaqiijiyay ilaa hadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/raxmaan C/shakuur oo shaaciyey qorshe dil ah oo lala damacsan yahay & Farmaajo oo..

Caydiid Ali

Warta Biyo qabadka Boondheere oo Dib u dhis lagu sameeyay Xarigana laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddiga Doorashada Gudoonka Golaha Wakiilada Puntland oo la magaacabay (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---