Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Jadwalka Doorashada Dowlad goboleedka Hirshabelle oo lasoo saaray (Akhriso)

Guddiga farsamada iyo soo xulista Baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa soo saaray jadwalka iyo habraaca doorashada Xildhibaanada iyo Gudoonka Baarlamaanka Hirshabelle.

Sida ku cad jadwalka guddiga soo saareen Xildhibaanada Hirshabelle ayaa soo xulistooda bilaabaneysaa 21-ka bishan October iyadoona ku egtahay 25-ka isla bishan, waxaana Xildhibaanada Hirshabelle la qorsheeyay in la dhaariyo 31-ka bishan October.

Gudoonka labaad uu yeelanayo Baarlamaanka Hirshabelle ayaa doorashadeeda dhici doontaa  5-ta bisha November ilaa 10-ka bisha, waxaana doorashada Gudoonka kadib la diyaarin doonaa Mida Madaxweynha Hirshaberlle iyo kuxigeenkiisa.

Halkan ka Akhriso Jadwalka Doorashada Hirshabelle

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo cafis u fidiyay Maxaabiis ka badan 350-Maxbuus

Cabdi Cade

Xildhibaano ku sugan Dhuuso Mareeb oo Mooshin ka keenay Madaxweyne Xaaf

Cabdi Cade

Xisbiga Amni iyo Cadaalad oo war kasoo saaray Shirkii London ka dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---