Allbanaadir.com
NEWS

Maxey ka dhigantahay in Musharax Khayre ololihiisa Doorashada ka bilaabbo Jabuuti?

Xasan Khayre oo 70 maalin kahor banneeyay xafiiska Wasiirka koowaad ee dalka, kadibna shaaciyay inuu u tartamayo xilka dalka ugu sarreeya, ayaa safarkiisii ugu horreeyay ee dalka uu uga boxo, waxuu ku tegay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.
 
Socdaalka Musharax Khayre oo ah bilaawga dardar gelinta ololihiisa xilka madaxtinimada ayaa su’aalo iyo dareen weyn geliyay dadka Soomaaliyeed ee sida wayn ugu dhuun daloola isbedellada siyaasadeed ee dalka laga filayo inay ka dhacaan.
 
Dowladda walaalaheenna ee Jabuuto oo uu horboodayo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dadka Soomaaliyeed mudo ka badan 20 sano waxay dhiig iyo dhacaan kusoo garab taagneyd dhismaha dowlad sal adag oo ka shaqeysa horumarka dalka, waxayna mudnaayeen in looga abaal gudo.
 
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa meel cidla ah kasoo qaaday dadaalkaas waxuuna xariir dhaw la leeshay kaligii taliyaha xukuma dalka Ereteriya oo cadaawad xoogani kala dhexeyso Dowladda Jabuuti, sidoo kalana waqti dheer kasoo shaqeyneysay burburinta dalka Soomaaliyeed.
 
Falanqeeyayaasha qaar ayaa Socdaalka Khayre si uun ugu xariirinaya waddo si wadajir ah loogu raadinayo qaabkii garab istaaggii walaalaha jabuuti ee la dayacay dib boorka looga jafi lahaa si laga shaqeeyo isbedel la taaban karo oo dalka ka dhaca horraanta 2021.
 
Taxliiliyaal kale ayaa inaya ku macneynaya in Xasan Khayre oo garaawsan Meesha hoose ee Farmaajo gaarsiiyay xariirka labada dowladood ee walaalaha ah, uu doonayo inuu Jabuuti ugu laab qaboojiyo in nabarada iyo daqarradda uu gaarsiiyay farmaajo ay xigi doonto booga dhayid iyo in Jabuuti lagu maamuuso maqaamka wanaagsan ee ay mudantahay.
 
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo aragtidiisa udub dhexaad uga dhigaya waxqabadkii Xasan Khayre ee mudadii sedaxda sano iyo barka aheyd, ayaa aaminsan in la qabtay wax badan oo kamid waxyaabihii uu ku taamayay markii uu ka shaqeynayay dib u dhiska dowlad Soomaaliyeed, hase yeeshee wax badan oo uusan mudneynna uu kala kulmay Farmaajo uuna ogyahay in shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta indheer garadka ah ay garaawsanyihiin qaladka dhacay ayna diyaar u yihiin inay saxaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Qado sharaf loogu sameeyay Deegaanka Dalxiiska Goobweyn (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddiga doorashada heer Federaal oo war cusub soo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade

40 Israa’iliyiin ah iyo 198 reer Falastiin ah oo illaa hadda la dilay (Warar cusub)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---