Xaalada Caafimaad ee Madaxweyne Donald Trump ayaa soo sii hagaagetsa kadib markii laga helay cudurka COVID-19 waxaana laga yaabaa in Maalinta Isniinta Isbitaalka laga saaro, sida uu sheegay dhaqtarkiisa gaarka ah.
Dr. Sean Conley ayaa sheegay iney hoos u dhacday markii labaad heerka neefsashada ee Mr Trump waxaana lagu bilaabay daawo lagu magacaabo Dexamethasone.
Madaxweynaha ayaa lagu xiray qalabka lagu neefsado hal mar oo keli ah tan iyo markii cudurka laga helay, waxaa sidaasi yiri Dr. Conley oo faahfaahin ka bixinayay hadallo su’aalo ka dhashay oo horey dhaqaatirtu u sheegeen.
Khuburada caafimaadka ayaa dhinaca kale su’aalo iska weydiinaya go’aanka Trump uu uga soo baxay Isbitaalka lagu daweynayay si uu u salaama taagerayaal ku sugnaa dibedda Isbitaalka isagoo saaran gaari
Waxaa jira walaac ah in madaxwenaha inkastoo uu gafuurka u daboolnaa uu haddana khatar caafimaad geliyay shaqaalaha la saarnaa gaariga.
Afhayeen u hadlay Aqalka Cad Judd Deere ayaa sheegay in dhakhaatiirta daweyneysa madaxweynaha ay siiyeen ruqsad uu ku baxo iyagoo sheegay inay tahay mid badqab leh.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com