Allbanaadir.com
NEWS

RW Khayre oo xalay saqdii dhexe kormeeray Isgoysyada & saldhigyada Booliska qaarkood (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Somalia Xasan Cali Khayre ayaa caawa saqdii dhex kormeeray qaar ka mid ah saldhigyada iyo baraha ciidamada xasilinta Muqdisho.

Kheyre ayaa waxaa ku weheliyay kormeerkan Wasiirka Amniga gudaha, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Taliya Ciidanka Asluubta/

Meelaha ay kormeerka ku tageen waxaa ka mid ah isgosyada iyo baraha control ee Magaaladda Muqdisho, waxayna si wadajir ah ugu kuur galeen habka ay ciidamaddu u sugayaan amaanka caasimdda.

Taliyaha Booliska Soomaaaliya Gen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa Ra’iisul wasaaraha ugu warbixiyay sida ay u socdaan howlaha sugida nabadgelyada ee magaaladda Muqdisho.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili qaraxyo bambooyin iyo duqeymo ay xalay fiidnimadii ka dhaceen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa mar sii horeysay sheegay in dhawaqyadii qaraxyada ahaa ee xalay laga maqlayey Magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwa dheemish oo ah.

Isagoo la hadlayey warbaahinta dowlada ayuu wasiirku sheegay in qaraxyada la maqlay ay ahaayeen kuwo la macmalay oo loo adeegsaday baco lagu shubay Baaruuda Qaraxda.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in walxahaasi dheemishka ah aysan cidina wax ku noqon, ujeedada laga lahaana ay aheyd in lagu carqaladeeyo in shacabka Soomaaliyeed aysan cibaadaysan oo aysan dukan Salaada Taraawiixda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia iyo Mareykanka oo isla gartay in la joojiyo Taageerada la siiyo Cutub katirsan …

admin

Madaxweyne Biden oo arrimo Xasaasi ah uga digay Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

Cabdi Cade

Madaxweyne Mustafa Cagjar oo si adag uga hadlay Dagaalka ka Socda gobolka Tigrey

Cabdi Cade