Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaalkii u dhexeeyey Armenia & Azerbaijan oo weji cusub yeeshay (Sawirro)

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Armenia iyo Azerbaijan ayaa maanta kasii xoogeystay gobolka la isku haysto ee Nagorno-Karabakh, ayada oo ay sii kordheyso cabsida la xiriirta khasaaraha dadka rayidka ah, kadib markii dhinacyada ay billaabeen inay madaafiic ku garaacaan magaalooyin waaweyn.

Gooni u goosatada gobolka Karabakh ee Azerbaijan balse asal ahaan kasoo jeeda Armenia, ayaa sheegay in dagaalka uu ka socdo forumaha magaalada caasimad goboleedka ah ee Stepanakert, halkaasi oo madaafiic culus lagu garaacayo.

Wasaaradda gaashaandhigga Azerbaijan ayaa Iyana sheegtay in ciidamada Armenia ay madaafiic ku garacaayaan dhowr magaalo, oo ay ka mid tahay magaalada labaad ee dalkaas ugu weyn ee Ganja, taasi oo markii ugu horreysay la garaacay Axaddii.

Madaafiicda sii kordhaya ee lagu garaacayo magaalooyinka waa weyn ayaa kordhiyey cabsida laga qabo inuu sii kordho khasaaraha dhimashada dagaalka, oo mar horeba ay ku dhinteen 250 qof.

Dagaalka oo billowday Sabtidii 27-ka September, ayaan weli labada dhinac aysan muujineyn wax astaamo ah oo ay ku doonayaan xabad-joojinta ay ku baaqayaan xubnaha beesha caalamka.

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa Axadii ka dalbaday Armenia inay waqti u qabato inay ka baxeyso dhulalka Azerbaijan, haddii aan taas la helin aanu dagaalku marnaba joogsan doonin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Daawo Sawirada: Jen. Gorod oo arrin xasaasi ah ku wargeliyey Saraakiisha da’yar ee ciidanka xoogga dalka

Caydiid Ali

Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Somalia oo geeriyooday

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Haweeney ku dhimatay mashaqo argagax leh oo ka dhacday Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---