Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka amniga gudaha oo ka hadlay Qaraxyadii caawa hareeyey Muqdisho

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in dhawaqyadii qaraxyada ee caawa laga maqlayey Magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwa dheemish oo ah.

Isagoo la hadlayey warbaahinta dowlada ayuu wasiirku sheegay in qaraxyada la maqlay ay ahaayeen kuwo la macmalay oo loo adeegsaday baco lagu shubay Baaruuda Qaraxda.

Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in walxahaasi dheemishka ah aysan cidina wax ku noqon, ujeedada laga lahaana ay aheyd in lagu carqaladeeyo in shacabka Soomaaliyeed aysan cibaadaysan oo aysan dukan Salaada Taraawiixda.

“Ciidamada amaanka oo garab ka helaya shacabka Magaalada Muqdisho ayaa si adag u adkeeyay amniga caasimada” ayuu yiri Wasiirka oo shacabka ugu baaqay iney isdejiyaan wax laga walwalana aysan jirin.

Waxaa uu intaas ku daray in heegan buuxa la geliyey ciidamada xasilinta, ayna socdaan howlgalo lagu xasilinayo amaanka, isagoo shacabka ugu baaqay iney xoojiyaan gacanta ay siiyaan ciidamada amniga si buu yiri looga hortago kooxaha dhibaatada wada.

Ku dhowaad labaatan qarax oo isugu jiray bambooyinka gacanta iyo dhawaqyo u ekaa madaafiicda hoobiyaha ayaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho, kuwaasoo shacabka ku abuuray khal khal iyo cabsi fara badan, welina lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay inkastoo dhowr askari oo dhaawacyo qaba la geeyey goobaha caafimaadka.

Shacabka Muqdisho ayaa marka la gaaro bisha Ramadaan waxaa soo food saara cabsi iyo walaac fara badan, maadaama ay Al-shabaab ay geysato weeraro dhiig badan uu ku daato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo amartay in la joojiyo dhismooyin ka socda dhulal kuyaalla Muqdisho (Akhriso)

Cabdi Cade

Dad badan oo Salaad taraawiix ku dukanayay Masaajid oo la afduubtay

Cabdi Cade

Somalia: Tirada dadka ka bogsaday cudurka COVID-19 oo maanta korodhay

Caydiid Ali