Allbanaadir.com
NEWS

Rag ka baxay Diinta Islaamka oo faafinayay Diinta Kirishtaanka oo lagu qabtay Somaliland

Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal ciidamada kusoo qabteen rag lagu eedeeyay in ay ka baxeen diinta islaamka sidoo kale mashruuc kusoo qaatay faafinta diinta kirishtaanka.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland G/sare Faysal Xiis Cilmi ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada soo xireen labo nin uu sheegay in ay heleen xogtooda kuwaa uu sheegay in diinta kirishtaanka ku faafinayeen deegaanada Somaliland.

Waxa uu sheegay afhayeenka in labadan nin ee lasoo xiray kiis dacwadoodkooda loo gudbiyay xeer ilaalinta Somaliland, waxa uuna cadeeyay in talaabo adag laga qaadi doono ragan diinta kirishtaanka ku faafinayay deegaanada maamulkooda.

Booliiska Somaliland oo qariyay magacyada ragan ay xireen ee ku mashquulsanaa faafinta diinta kirishtaanka ayaa afhayeenka booliisku sheegay in ay yihiin rag si fiican u yaqaan diinta islaamka gaar ahaan fiqqiga.

Ugu dambeyn afhayeenka booliiska Somaliland ayaa ugu baaqay shacabka in ay lasoo wadaagaan xogaha dadka kale ee ku mashquulsan faafinta diinta kirishtaanka si looga qaado talaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Soomaaliya oo helay Diyaarado iyo hub culus ay ku dagaal galaan

Cabdi Cade

Al Shabaab oo soo bandhigtay Gaadiid iyo hub ay ku qabsadeen Weerarkii Masagaway (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqeyn culus oo lagu laayay xubno badan oo katirsan Al Shabaab oo ka dhacday Deegaanka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---