Waxaa walaac xooggan laga muujinayaa cidda maamuleysa lacag lagu qiyaasayo in ka badan 10 milyan oo dollar oo kasoo xarooneysa diiwaan gelinta mudanayaasha u tartamaya xildhibaannada golasha shacabka iyo aqalka sare ee dalka oo la filayo inay dalka ka dhacdo bilaha ka dhiman sanadkaan 2020.
Heshiiska dhawaan ay wada gaareen madaxweynaha dalka iyo madaxweynayaasha dowlad gobaleedka ee dhammaysitka qorshaha doorashada dalka ayaa lagu shaaciyay in musharaxa xildhibaanka aqalka sare laga doonayo $20,000 iyo in musharaxa golaha shacabka laga doonayo $10,000.
Celcelis ahaan kursi kasta oo golaha shacabka ah waxaa u tartami karta sedax musharax taas oo ka dhigeysa lacagta kasoo xarooneysa 8,250,000 oo doollaar, sidoo kale aqalka sare ayaa waxaa qiyaas ahaan kursi kasta u tartami karta 2 mudane, waxaana la qiyaasayaa inay ka timaado $2,160,000. Inkasta oo ay ka badan karto waxaa la qiyaasayaa in isku darka lacagtaas ay noqonayso $10,410,000.
Su’aashu waxay ka taagantahay cidda maamuleysa iyo sababta loo badiyay, waxaana dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka dalka gaar ahaan musharixiinta madaxtinimada ee rajada ka qaba inay afarta sano ee soo socota dalka xukumaan ay dareen xooggan ka qabaan sababta Villa Soomaaliya ay u badisay lacagta diiwaan gelinta xildhibaannada ay tahay in loo adeegsado olalaha doorashada.
Dadku waxay ku doodayaan inay muhiim aheyd in mucaaradka iyo dhammaan saamileyda siyaasadda laga tala geliyo iyo in gacan amaan ah la geliyo si loo xaqiijiyo in lagactaas aan loo isticmaali Karin sifa aan sharci aheyn.
Wali dhinacyada mucaaradku si furan ugama hadlin walaaca ay ka qabaan in lacagtaas ay Villa Soomaaliya u isticmaali doonto ololaha dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo oo mar kale damac uga jiro in uu kusoo laabto Villa Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com