Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa oo caawa gaaray dalka Kuwait (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda Kuwait.

Wafdiga RW Rooble ayaa waxaa ku soo dhoweeyey garoonka magaalada Kuwait City masuuliyiin ka tirsan dowlada wadankaas, dajiraha Somalia u fadhiya halkaas iyo xubno kale.

Ujeedada safarka ra’iisalwasaaraha ee dalka Kuwait ayaa ah ka qaybgalka tacsida Amiirkii dalka Kuwait Sheekh Sabah Al- Axmed Al- Sabaah oo ku geeriyooday dalka Mareynkanka 29-kii  Bishii September ee sanadkaan.

Sidoo kale Ra’isul Wasaaraaha Cusub ee Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Kuwait waxaa uu la kulmi doonaa Amiirka cusub ee dalkaas iyo Madax kale, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dowladood.

Amiirkii geriyooday ee dalka Kuwait oo la Aasay 30-kii Bishii September ayaa waxaa la filayaa in munaasabad baroordiiq ah loo qabto, waxaana ka qayb geli doona inta badan hoggaamiyayaasha wadamada carabta iyo Islaamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibed-baxyo looga horjeedo Maamulka Puntland oo ka ka dhacay gobolka Bari (Sawirro)

Caydiid Ali

Trump oo ku fashilmay dacwad uu ka gudbiyey natiijada doorashada Maraykanka

Caydiid Ali

Madaxweyne Caan ah oo hurdo ka doorbiday in uu ka qeyb galo Shirar caalami ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---