Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Rasaas culus oo laga maqlayo xero ciidanka Milateriga ku leeyihiin Muqdisho

Rasaas culus ayaa goor dhow salaadii maqrib ka dib ka bilaabatay xerada milateriga Damaanyo oo ku taalla nawaaxiga degmada dayniile ee magaalada Muqdisho, kuna dhegan xaruntii hore ee Kuliyadda ciidamada Jaalle Siyaad.

Xeradan ayaa waxay saldhig u tahay, kuna xareysan ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed oo sidoo kale halkaas ku qaata tababaro.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in ku dhowaad muddo 30 daqiiqadood oo xiriir ah gudaha xeradaas laga maqlayo rasaas xoog badan oo ka dhaceysa taasoo u muuqata mid la isweydaarsanayo.

Weli lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa rasaasta laga maqlayo gudaha xerada Damaanyo iyo in halkaas uu ka socdo iska horimaad iyo in kale.

La soco wixii ka soo kordha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ugu yaraan 35 qof oo ku dhintay qaraxyo miino oo qabsaday gaari ay la socdeen

Caydiid Ali

Turkiga oo War cusub kasoo saaray qaabkii loo dilay Wariye Jamal Khashoggi

Cabdi Cade

Soomaaliya oo jawaab culus ka bixisay go’aan dhowaan ka soo baxay Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---