Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.
Garoonka diyaaradaha magaalada Asmara waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo masuuliyiin kale oo katirsan Xukuumada Asmara.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarka uu goordhaw ku tagay dalka Eritrea ahaa mid aan horey loo sii shaacin, waxaana Madaxweynaha inta uu joogo Asmara la kulmi doonaa dhigiisa dalka Eritrea iyo masuuliyiin kale.
Farmaajo ayaa kahor inta uusan tagi Eritrea ku sugnaa magaalada Jubba ee caasimada Koonfurta Sudan, waxa uuna dalkaasi uga qeyb galay heshiis nabadeed oo lagu dhameenayay colaada Koonfurta Sudan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com