Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka soo kordhay dagaalka todobaad jirsaday ee Armenia & Azerbaijan? (Sawirro)

Ciidamada Armenia iyo Azerbaijan ayaa maanta sii wada dagaalkooda oo galay maalintii toddobaad ee uu ka socdo agagaarka gobolka Nagorno-Karabakh, iyagoo iska dhega tiray baaqyada caalamiga ah ee xabad joojinta.

Armenia ayaa sheegtey in caasimadda gobolka ee Stepanakert lagu bartilmaameedsaday duqeyn ay geysteen xoogaga Azerbaijan.

Masuuliyiinta gobolkan gooni-u-goosadka ah ayaa ka digay in “dagaalkii ugu dambeeyay” ee gobolka uu bilowday. Waxa Sabtida maanta ah ugu baaqeen beesha caalamka in “aqoonsiga madax-bannaanida” Nagorno-Karabakh ay tahay “habka kaliya ee wax ku oolka ah ee nabadda lagu soo celiyo.”

Armenia ayaa Jimcihii sheegtay in ay kala shaqeyn doonto Ruushka, Mareykanka iyo Faransiiska dib u cusbooneysiinta xabad joojin ka hergasha gobolka Nagorno-Karabakh iyadoo tirada dhimashadu ay sare u kacday maalintii lixaad oo uu dagaal ka socda gobolkan gooni-u-goosadka ah ee dhaca Koonfurta Caucasus.

Azerbaijan, oo kula dagaalameysa xoogagga qowmiyadaha Armenia ee Nagorno-Karabakh, ayaan ka jawaabin baaqa xabad joojinta ee ay u direen saddexda dal ee sida wadajirka ah u guddoomiya Ururka Amniga iyo Iskaashiga ee Yurub (OSCE) Minsk Group ee dhexdhexaadinaya colaaddan.

Madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev, ayaa Talaadadii meesha ka saaray in Armenia lagala hadlo arrimaha gobolka Nagorno-Karabakh, iyadoo Turkey oo xulufo la ah Azerbaijan ay Khamiistii ku dhawaaqday in saddexdan quwadood ee waaweyn aysan door ku lahayn nabadeynta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo shaacisay Shuruudaha laga rabo Siyaasiyiinta xilalka ka Qabta DF ee doonaya in ay …

Cabdi Cade

Amar uu bixiyay Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo maanta la fuliyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Hormuud Salaam Foundation oo deeq lacag ah gaarsiisay haween dan yar ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---