Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa waxa uu sheegay in wax la aqbali karo aysan aheyn in magaalada Muqdisho ay wadooyinkeeda iyo xaafadaheeda ay nadaafad daro ka jirto.
Wuxuu sheegay dadka haddii lagu dhiirageliyo inay degaankooda nadiifiyaan inay imaaneyso xitaa in dadka uu mooral galo, ayna sababto in ay is difaacaan.
Gen. Gorod ayaa sheegay guddoomiyihii degmadiisa qashinka ka nadiifin waaya inay waajib tahay in la xiro, maadaama uu dayacay nadaafadda degmada uu gudoomiyaha ka yahay.
“Marna lama aqbali karo, magaalada sida ay u dayacan tahay oo qashinka u dhexyaalo, ninkii guddoomiye degmo ah oo degmadiisa xaaqan waaya muxuu damacsan yahay, markii shacabka la dhiirageliyo waxaa galaya mooral oo ah in ay isdifaacaan, ninkii aan shacabka ku dhiiragelin in ay wax qabsadaan isaga laftirkiisa waa in la xiraa” ayuu yiri taliye Gorod.
Hadalka taliyaha ayaa ku soo aadaya xili degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir ay ka jirto nadaafad daro baahsan, uuna buux dhaafiyey qashin fara badan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com