Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dhakhaatiirta daweynaya Madaxweyne Trump oo War cusub soo saaray (Sawirro)

Dhakhaatiirta ku howlan daweynta Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo laga helay cudurka COVID-19 ayaa sheegay in daawada la siiyay uu illaa hadda ku roonaaday.

Dr. Sean Conley oo ka tirsan Isbitaalka militeri ee Mr Trump la dhigay ayaa shir jaraa’id ka sheegay in Madaxweynuhu caadi u neefsanayo, aysana jirin hadda wax laga welwelo.

“Naqasku mahayo, sida oo kalana waxaa uu ku dhex socdaa Isbitaalka dhexdiisa” ayaa uu sheegay dhakhtarka oo intaas ku daray in qufac yar oo uu markii hore lahaa hadda  uu sii yaraanayo, wax xumad ahna aan lagu arkin 24-kii saac ee u dambeeyey.

Dhakhtarku waxa uu sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda wadnihiisa, beerkiisa iyo keliyihiisa oo uu sheegay in hadda ay dhammaan dabiici yihiin. Laakiin dhakhaatiirtu waxay diideen in ay sheegaan goorta uu Isbitaalka ka baxayo. Sidoo kale waxay ka gaabsdadeen in Madaxweynaha markii hore lagu xiray Mishiinka neefta.

Xaaladda madaxweyne Trump ayaa walaac badan ka abuurtay Maraykanka, maadaama oo da’diisa 74 jirka ah awgeed uu ka mid yahay dadka u nugul xaaladaha khatarta ah ee ka dhasha Coronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalo culus oo ka socda agagaarka Isbitaalka Al-Shifa & Milateriga Israel oo..

Caydiid Ali

Xisbi ka dhisan Sweden oo wada olole lagu mamnuucayo Aadanka Salaada

Caydiid Ali

Ciidamada amaanka oo gacanta ku dhigay Rag dilal ka geestay Boosaaso (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---