Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo maalmo ka hor gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulamo siyaasadeed oo qarsoodi ah ka wada halkaas.
Sida ay ogaatay allbanaadir Online Deni ayaa kulamo la yeeshay siyaasiyiin ka tirsan kuwa mucaaradka ee jooga magaalada Nairobi iyo saraakiil ka tirsan sirdoonka Imaaraadka Carabta.
Kulamada ayaa looga hadlay arrimaha doorashada dalka ku soo wajahan sanadka 2020/2021 iyo sidii loo wajihi lahaa, sidoo kale Imaaraadka ayaa doonaya inuu mideeyo cududa mucaaradka si uusan kursiga ugu soo laabanin mar kale Madaxweyne Farmaajo oo aysan isku fiicneyn.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta ku sii jeeda dalka Kenya ayaa ku biiraya shirarkaas, sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Kismaayo.
Deni iyo Axmed Madoobe oo isku arka rag saameyn siyaasadeed leh ayaa doonaya iney sii xoojiyaan isxulufeysiga ka dhexeeya, kadib markii shirarkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee looga hadlay arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka ay kaga guuleysteen Madaxweyne Farmaajo, meeshana ka saareen damaciisii ku aadanaa muddo kororsiga iyo doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com