Nin ku nool magaalada Västernorrland ee dalka Sweden oo lagu eedeeyey inuu xaaskiisa oo xanuunsan ka caawiyey inay dhimato ayaa xukun lagu riday ka dib markii maxkamad la soo taagay.
Sanadkii hore ayay aheyd markii ninkan uu xaaskiisa ka caawiyay inay dhimato. haweeneyda ayaa ahayd mid aad u xanuunsan waxayna sheegtay inay rabto inay dhimato iyadoo ka dalbatay ninkeeda inuu ka caawiyo
Ninkeeda oo fulinaya dalabka xaaskiisa ayaa ku duray cirbad ay ku jirto daawada morphine taasoo keentay in haweeneyda ay dhimato.isagoo intaasi kadib wacay qeybta Caafimaadka
Maxkamada ayaa ninkan ku xukuntay hal sano oo xabsi ah, iyadoo Sweden gudaheeda ay tahay sharci daro in qof lagu caawiyo inuu nafta iska jaro.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com