Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Midowga Yurub oo shaaciyey inuu dacwad ku soo oogayo dowlada Britain

Midowga Yurub wuxuu bilaabayaa dacwad sharciyeed ka dhan ah dowlada Ingiriiska oo uu ku eedeynayo iney jabisay heshiiskii Brexit ee Ingiriisku uga baxay Midowga Yurub.

“Soo jeedinta ayaa la xiriirta in Dowlada UK jabisay balanqaadkii ahaa in lagu dhaqmo rabitaan wanaagsan oo ku jira heshiiska ka bixitaanka” ayay tiri Madaxweynaha guddiga Ursula von der Leyen.

Guddiga Midowga Yurub waxay bilaabeen hanaan sharci ah oo ka dhan ah Ingiriiska oo loo arko inuu hareer marayo heshiiskii ka bixitaanka ee lagu heshiiyey ee EU.

“Hindisahan ayaa ah, dabeecad ahaan, jebinta ballanqaadkii wanaagsanaa ee ku jiray heshiiska ka bixitaanka,” ayay ku tiri Madaxa Guddiga Ursula von der Leyen war-saxaafadeed ka dhacay Brussels.

Warqad ayaa loo diray London, taasoo dawladda Ingiriisku haysato hal bil oo ay kaga jawaabto, ka hor intaan Guddigu go’aan ka gaarin sida loo sii wado.

Tallaabadan muuineysa xiriirka sii xumaanaya ee Midowga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Xildhibaanada Golaha Shacabka horgeeyay R/Wasaaraha cusub

Cabdi Cade

Deg Deg: Axmed Karaash oo kaligiis talis ku tilmaamay madaxweyne Deni Digniin adagna u diray

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in ciidamo tababar loogu qaaday Eritreya lagu laayey dagaalkii Tigray?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---