Allbanaadir.com
NEWS

Oday 80-sano jir ah oo ka fariisanaya ciyaaraha kubada Cagta (Daawo Sawirada)

Peter Webster oo ah British aad u jecel kubadda cagta ayaa waxa uu maanta ka fariisan doonaa ciyaaraha, iyadoo ciyaartiisii ugu dambaysay ee adag uu ku dheeli doono iyadoo ay da’diisu tahay 80 sanadood.

Ninkan oo ku nool magaalada Wollongong ee waddanka Australia, ayaa sheegay in muddaba uu ogaa in ciyaaraha uusan wax badan ku biirin halka xilliyadii hore uu aad uga dhexmuuqan jiray.

“Sanadihii la soo dhaafay ayaan maanka arrintaas ku hayay,” ayuu BBCda u sheegay.

“Ciyaaro badan waxaad ciyaari kartaa markaad niyadda ku haysid, ‘Marka in booska aan ciyaartoyda kale ka buuxiyo sax ma ahan’. Waa inaad is og tahay.”

Mr Webster ayaa waxa uu ku dhashay magaalada Preston, England, hasayeeshee waxa uu u guuray Wales 1948.

Waxa uu ciyaaraha tartamada adag bilaabay isagoo 15-jir ah, markaas oo uu iskuulka ka dhigtay meel lagu dheelo ciyaaraha rugby-da.

Ciyaaryahankan ayaa da’diisu markii ay aheyd 20-yadii ilaa 30-yadii waxa uu hore ugu soo dheelay kooxo badan oo ka dhisan horyaalka Welsh, ka hor inta isaga, xaaskiisa Moira iyo saddex carruurta ah aanay u guurin Australia 1981.

Mr Webster ayaa sheegay inuu la yaabay inuu ogaaday in kubadda cagta ay aad ugu horumarsantahay waddanka Australia, uuna jawigaas kulul si wanaagsan ugu dheeli karo.

Mr Webster ayaanan ka fariisanayn ciyaarihii uu u dheeli jiray kooxda Wollongong’s Figtree Football Cub ee sidoo kale waxa uu ka fariisanayaa jagadii kale ee uu hayay ee ninka garoonka u qaabilsanaa kooxdaasi.

Waxa uu qorsheeyay inuu waxoogaa ka soo hormaro waqtiga ciyaarta habeenka Jimcaha ee ay la yeelanayeen kooxda Russel Vale, oo ah kooxda hoggaanka horyaalka haysa, markaas oo uu usoo hormaray si uu shabaqa ugu sii xiro goosha.

Waxa uu intaasi ku daray inuu la hadlo doono kooxda ay la dheelayaan si uu u xaqiijiyo in aanay ciyaarta u fududayn, ayuu intaasi ku daray.

“Sanadahaygii iigu horreeyay markii aan dheeli jiray, waxaan soo kici jiray Axadda ciyaarta kaddibna waxa isoo gaaro Isniintaba way i dhaafi jireen. Haatanse illaa Sabtida kale ayaan dareemayaa jugta isoo gaartay.”

Mr Webster ayaa ah halyey ciyaaraha deegaankaasi oo xitaa waxaa jira tartan isaga loogu magacdaray oo loo bixiyay Peter Webster Cup.

Mr Webster waxaa uu sheegay in uusan hubin waxa uu dareemi doono kaddib marka uu ka qeybgalo ciyaarta kama dambeysta ee uu dheelayo, balse waxaa uu rajeynayaa in uu kusii jiri doono ciyaaraha oo uu ciyaartoyda kooxdaas la sii tababaran doono.

Waxaa kale oo uu rajeynayaa in uu daawado ciyaaraha kubada cagta ee ay dheeli doonaan caruurta uu awoowaha u yahay iyadoo markii hore uu lumiyay fursad uu ciyaarahaas ku daawan lahaa maxaa yeelay keligii ayaa meel gaar ku tababaran jiray.

Xaaskiisa waxaa ay sheegtay inay sugeyso in saygeeda uu qabto hawla badan oo dhinaca guriga ah.

Maamulaha sare ee kooxda kubadda cagta ee Figtree, Mike Dodd waxaa uu sheegay in wax qabadkii Mr Webster uu ahaa mid loo riyaaqay.

Source-BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dilal badan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ciidamo gadoodsan oo xirtay laami ku dhaw Taliska Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya

Cabdi Cade

Xukuumadda oo loogu baaqay in ay caddeyso isbadalka ku yimid Go”aan horey loo gaaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---